Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu la kulmi doono Senator-ka laga soo doortay gobolka Michigan, Cabdul Al-Sayid oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.
Trump ayaa Cabdul ku tilmaamay “nin caqli badan,” isagoo sheegay inay ka wada hadli doonaan sidii adeeg caafimaad oo loo dhan yahay looga hirgelin lahaa Mareykanka.
“Waxaan ogahay inaan la kulmi doono. Waxaa laga yaabaa inaan helno meel dhexe oo aan ku heshiin karno,” ayuu yiri Trump, sida uu qoray wargeyska New York Post.
Hadalka Trump ayaa yimid kaddib markii Cabdul uu 12-kii November baahiyay sawirka kaar dahabi ah oo ay ku qoran tahay “TrumpCare”, isagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu dammaanad qaado adeegga caafimaadka ee dhammaan muwaadiniinta Mareykanka.
“Donald, fursaddan way kuu furan tahay. Dammaanad qaad adeeg caafimaad oo qof kasta oo Mareykan ah uu heli karo, laga bilaabo dhalashadiisa ilaa geeridiisa,” ayuu qoray Cabdul. Trump ayaa markii dambe dib u baahiyay qoraalkaas.
Kulankan ayaa noqon kara mid si gaar ah indhaha loogu hayo, maadaama labada siyaasi ay ka kala tirsan yihiin laba xisbi oo ku kala aragti duwan siyaasadda caafimaadka.
Weli lama shaacin xilliga iyo goobta uu kulanku ka dhici doono, mana jiro heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac ka gaareen arrintan.

