Hirshabeelle oo Sheegtay in Rag Hubeysan oo Rasaas ku Furay Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo ku sugnayd Garoonka Beledweyne.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Hirshabeelle ayaa sheegtay in rag hubeysan oo ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ay galabtii Arbacada ahayd rasaas ku fureen diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay. Xabbaduhu waxay ku dhaceen garbaha diyaaradda, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka Hirshabeelle.

Sida ku qoran war ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle, diyaaraddu waxay ku sugneyd xerada Qaramada Midoobay ee Ceel-Jaalle, oo ku taalla gudaha xayndaabka garoonka Ugaas Khaliif.

“”Sida aan ka digeeynay, maleeshiyaadka ku jiro xeyndaabka garoonka Ugaas Khaliif ayaa galabta rasaas ku weeraray mid ka mid diyaaraddaha qumaatiga u kaco ee Qaramada Midoobe (UN) oo ku sugneyd xerada UN-ka ee Ceel-Jaalle, xabaddaha ayaa ku dhacay garbaha,” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hirshabeelle, Faarax Maxamed Cusmaan.

Wasaaraddu ma aysan sheegin in qasaaro dhaawac ama dhimasho.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Trump oo Qorsheynaya Kulan uu la Yeesho Senator Cabdul Al-Sayid si looga Hadlo Adeeg Caafimaad oo Loo Dhan Yahay

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu la kulmi doono Senator-ka laga soo doortay gobolka Michigan, Cabdul Al-Sayid oo ka...