Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa booqasho shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Asluubta Dalka Ugandha halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Dhigiisa Dalka Ugandha laba Taliye ayaa ka wada hadlay Xiriirka iyo is dhaafsiga Qibradaha iyo in Taliska Asluubta Dalka ugandha uu Tababaro Aqoon Korarsi ah siindoono Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Wuxuu kala loo Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xaamud uu Booqasha ku Tagey Dugsiga Tababarka Ciidanka Asluubta Dalka Ugandha oo ay ka socdaan Mashaariic Badan oo Kaabaya shaqada Ciidanka Asluubta Dalka Ugandha Halkaas waxaa Taliyaha Ku soo Dhaweeyey Taliyaha Xabsiyada Dalka Ugandha S/guuuto Mary Centenery wuxuun Warbixin siiyey Wafdi Taliyaha Asluuubta Soomaaliyyed
Sidoo kale Taliyaha ayaa booqday Xabsiga aadka loo ilaaiyo ee Dalka Ugandha Uper Prison waxaan ku soo dhaweeyey isla markaana Warbixn siiyey S/guuto Brain Corr Mbaziira Taliyaha Ayaana Kormeerey Qeybaha kala duwan ee Iskuulka.
Intii uu booqashada ku guda jiray Taliyuhu wuxuu sidoo kale booqday Xabsiga Haweenka ee Luzira halkaas oo ay ku soo dhaweysay Kormeere Sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Uganda Esther Lamunu.
Wuxuu kaloo Taliyaha Booqdey Warshada Dharka Ciidanka Asluubta Halkaas Oo ay ka socotey Diyaarta dharka Ciidanka Asluunta Dalka Ugandha.
Booqashooyinkan ayaa qeyb ka ah is dhaafsiga khibradaha iyo booqashooyinka shaqo ee lagu baranayo hab-maamulka xabsiyada tayeynta tababarka ciidanka iyo horumarinta adeegyada asluubta

