Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgallo isugu jira nadiifin iyo burburin ka wada deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco ee gobolka Bay, halkaas oo ciidamada ay ka wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah.
Hawlgallada socda ayaa muujinaya cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxaha nabad-diidka ah, kuwaas oo wajahaya xaalad adag, iyadoo xubno ka tirsan kooxahaasi ay ka carareen deegaanno ay hore ugu dhuumaaleysan jireen, kadib markii ay la kulmeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo dadaallo amni xaqiijin ah.
Ciidanka Kumaandooska Danab oo ah ciidan u tababaran howlaha gaarka ah ayaa sii wada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ilaalinayo shacabka Soomaaliyeed, si loo soo afjaro khatarta argagixisada iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.
Ciidanka Danab ayaa muujinaya in kooxaha argagixisada ah aysan ka hor istaagi karin dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin inay ku noolaadaan nabad, xasillooni iyo xorriyad ka fog cabsi iyo handadaad.
Kumaandooska Danab waxaa ka go’an xaqiijinta amniga, difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah. Hawlgallada lagu sugayo amniga dalka iyo kuwa lagu wiiqayo khatarta argagixisada ayaa sii socon doona


