Dowladda Soomaaliya iyo Hirshabeelle oo xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Talaado 24 Nov 2026 {HMC} Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa warqad ay caawa soo saartay ku shaacisay inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne muddo lix maalmood ah.

Ogeysiiska oo wata lambarka A0165/26, ayaa dhigaya in la xiray dhammaan hawlaha duulimaadyada, laga bilaabo 24-ka Nofeembar 2026-ka.

Sida ku cad xogta NOTAM-ka, xiritaanka garoonka ayaa lagu wargeliyay dhammaan duulimaadyada IFR iyo VFR, waxaana muddada ogeysiiska lagu cayimay inay ku egtahay 1-da Diseembar 2026-ka lama shaacin sababta keentay keentay xiritaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Hirshabeelle oo sidoo kale soo saartay warsaxafadeed ayaa sheegtay in amniga garoonka aan la isku haleyn karin maadaam wali ku sugan yihiin banaankiisa ciidamada deegaanka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xiritaanka garoonka looga gon lee yahay badqabka rakaabka iyo howlwadeennada garoonka.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif oo xirnaa muddo afar maalmood ah ayaa maanta markale dib loo furay kadib markii iska horimaad uu garoonka ku dhaxmaray ciidamada deegaanka ee Dulmi diid iyo ciidamada Jabuuti ee AUSSOM.

Arintan ayaa ka dhalatay kadib markii laga war helay in diyaarad sida ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka soo baxeysay Muqdisho taasoo ciidamada deegaanka ay ka hor istaageen inay ka soo degan garoonka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

BREAKING NEWS: Somali Government Approves Electoral and Political Parties Law.

Tuesday, Nov 24, 2026 {HMC}  The Federal Government has tonight approved the Electoral and Political Parties Law, which mandates direct elections based on a...