Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada, Kana Tashaday Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay Guddoomiyha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas ayaa Taliyayaasha looga dhageystay talooyin ay soo jeediyeen oo ku saabsan Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka,

waxaana ugu dambeyn ay isla qaateen in talooyinka iyo aragtiyada ay soo jeediyeen lagu daro Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, maadaamaa uu muhiim uu yahay Difaaca Qaranka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiilka Cusub ee UNDP ee Soomaaliya.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka cusub ee...