Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo Hawlgal Amni Xaqiijin ah ka Sameeyey Waddada Isku Xirta Awdiinle iyo Bardaale.

Axad 11 Oct 2026 {HMC} Hawlgal amni xaqiijin iyo roondo ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ee Degmada Bardaale, Kabtan Aadan Cali Xasan (Aadan Shaah), ayaa laga fuliyey waddada isku xirta Awdiinle iyo Bardaale ee Gobolka Bay.

Hawlgalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta amniga waddadaasi iyo xaqiijinta nabadgelyada dadka rayidka ah ee isticmaala.

Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyey gaadiidka iyo dadka ku safraya waddada, iyagoo sidoo kale bulshada ku booriyey inay ka qayb qaataan sugida amniga iyo ilaalinta xasilloonida deegaannada.

Sidoo kale, Taliye Aadan Shaah ayaa lug ku maray qaar ka mid ah tuulooyinka iyo deegaannada hoos yimaada Degmada Bardaale, si loo qiimeeyo xaaladda amni ee deegaannadaasi, loona xoojiyo xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo bulshada deegaanka.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallada joogtada ah ee Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed ay ka wadaan deegaannada kala duwan, kuwaas oo ujeedoodu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Dowladda Koonfur Galbeed waxay sii wadaysaa dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay maamusho

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo markii u horeysay si fool ka fool ah rasaas isugu weydaarsaday agagaarka magaalada Bure.

Sabti 10 Oct 2026 {HMC} Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa markii u horeysay si fool ka fool ah rasaas isugu weydaarsaday agagaarka magaalada...