Talaado 16 june 2026 {HMC} Toddobaadkan waxaa dhacay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan gobolka, waana dhacdo ay dunida oo dhan si weyn u sugaysay.
Waxaa lagu dhawaaqay in heshiis la gaaray oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Bilihii la soo dhaafay, mar kasta waxaa la maqli jiray in heshiis lagy dhow yahay,hase yeeshee, mararka qaar Iiraan ayaa warka beenin jirtay, mararka kalena Mareykanka ayaa diidi jiray, xitaa xaaladdu mararka qaar way sii adkaanaysay oo xiisaddu way kordhaysay.
Laakiin waxa xiisaha leh markan ayaa ah in Mareykanka iyo Iiraan ay isku mar ku dhawaaqeen inay gaareen heshiis.
Arrintaas ayaana dhalisay dood weyn oo ku saabsan: Yaa guuleystay? Mareykanka mise Iiraan?
Sidaas darteed, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa falanqeyn isku dayaysa inay arrinta si deggan u eegto, kana fogaato dacaayadaha iyo sheegashooyinka labada dhinac, taasoo qayb qayb aan u siin deyn doono.
Marka hore, aan idin sharxo waxa dhacay.
Qof kasta wuxuu raadinayay waddo lagu soo afjaro dagaalka.
Mareykanka wuxuu rabay in dagaalku dhammaado.
Iiraanna sidaas oo kale ayay rabtay.
Dalalka gobolka ayaana iyaguna doonayay in dagaalka la soo afjaro.
Laakiin dhammaantood waxay wajahayeen caqabad u diiday si dhaqso ah in heshiis loo gaaro.
Xaggee ka timid caqabadu?
Sababtu waxay ahayd in aysan jirin wax kalsooni ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, taana waxay fogeysay heshiis dhaqso loo gaaro.
Arrintu waxay la mid ahayd laba qof oo si aad ah isu neceb, isla markaana aan haba yaraatee is aaminsanayn, laakiin haddana doonaya inay wax qaali ah is dhaafsadaan.Sababtoo ah kalsoonidu gabi ahaanba way ka maqnayd labada dhinac.
Sidaas darteed, si kalsooni yar loo abuuro, dalalkii dhexdhexaadinayay ayaa soo jeediyay in marka hore la saxiixo waxa loo yaqaan Is-afgarad (Memorandum of Understanding).
Laakiin maxay ku kala duwan yihiin is-afgaradkan iyo heshiiska nabadda?
Is-afgaradku wuxuu la mid yahay warqad ama heshiis hordhac ah oo aan si buuxda sharci ahaan waajibaad ugu soo rogeyn labada dhinac.
Waxa lag raadinayo is afgaradkaana waa in labada dhinac ay isku tijaabiyaan oo ay arkaan sida ay uga dhab tahay rabitaanka nabadda.
Si kale haddii loo dhigo, waa tallaabo degdeg ah oo aan culays sharci oo weyn lahayn.
Laakiin heshiiska nabadda ee dhammaystiran waa arrin aad uga adag, taasoo ka dhigay waxa ay hadda gaarayaan Mareykanka iyo Iiraan , ma aha heshiis rasmi ah , keliya waa is afgarad aan gaarin heshiis joogto ah oo aan la jebin karin.
Sidoo kale wuxuu u baahan yahay si heshiis rasmi ah loo gaaro ansixinta baarlamaannada iyo Kongareeska, taas oo mararka qaar la kulanta muran iyo diidmo siyaasadeed.
Dhanka kale, is-afgaradka waxaa si degdeg ah u saxiixi kara dawadaha, wuxuuna dhaqangeli karaa isla markiiba.
Si heshiis loogu beddelo is afgaradkaan wuxuu u baahan yahay bilo badan oo wada-hadallo farsamo iyo siyaasadeed ah.
Inta wax walba ku koobanyihiin is afgarad , waxay siinaysaa dhinac kasta dareen ammaan.
Dhinac haddii uu arko in dhinaca kale khiyaamay ama ka baxay ballamihii uu qaaday, wuxuu ka laaban karaa is-afgaradka.
Laakiin arrinta muhiim ah waxay tahay:
Maxay yihiin qodobada uu ka kooban yahay is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan?
Waxaa jira dad badan oo leh Iiraan ayaa guuleysatay.
Waxaa kaloo jira kuwo leh Mareykanka ayaa guuleystay, Iiraanna way is dhiibtay.
Laakiin sidee loo ogaan karaa xaqiiqada?
Markii wada-hadallada lagu gaarayay is-afgaradkan ay socdeen, isla markaana Pakistan ay dhexdhexaadinaysay, labada dhinac waxay gaareen go’aan xiiso leh.
Waxay isku shardiyeen in qodobada heshiiska aan hadda la shaacin.
Ugu yaraan waqtigan xaadirka ah.
Waxaa laga yaabaa xitaa in aan si rasmi ah loo shaacin ilaa laga gaarayo heshiiska kama dambaysta ah.
Bal qiyaasa, markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Araghchi, uu wareysi siiyay telefishinka dawladd Iiraan, wuxuu diiday inuu sheego xitaa …

