Sabti 6, June 2026 {HMC} Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amni ka bilaabay degmada Gubadleey, iyadoo la sheegay in halkaasi laga fulin doono howlgallo la mid ah kuwii maanta laga sameeyay degmada Cabdicasiis.
Degmada Gubadleey oo ay deggan yihiin saraakiil sare oo ka tirsan milatariga, kuwa hadda shaqeeya iyo kuwii hore uga tirsanaa, waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo daacad u ah Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Dhanka kale ciidanka Specialka oo caawa ka baxay Muqdisho ayaa gaaray Deegaanka Bashaqle waxa ayna ku sii jeedaan degmada Cadalle halkaas oo dhawaan ka yimaadeen ciidankii ku biiray kuwa Sheekh Shariif waxaana wali halkaas jooga ciidamo daacad u ah wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur

