Talaado, 2 Juun 2026 {HMC} Dowladda Iran ayaa si rasmi ah u furtay isbitaalka ugu weyn ee daaweynta cudurka kansarka ee gobolka Galbeedka qaarada Aasiya.
Xaruntan caafimaad waxay ka kooban tahay 37 waaxood oo takhasusyo kala duwan leh, 11 qalab oo casri ah oo loogu talagalay sawir-qaadista iyo daaweynta shucaaca, iyo 96 sariirood oo loogu talagalay bukaanada qaata daaweynta kiimoterabiga (Chemotherapy). Mashruucan ayaa lagu maalgeliyay ku dhowaad hal bilyan oo doolar.
Isbitaalkan cusub ayaa la filayaa inuu sannadkii daweeyo ilaa 200,000 oo bukaan, waxaana ka howlgala 280 dhakhaatiir iyo khubaro ku takhasusay cudurrada kansarka. Xaruntan ayaa loo arkaa mid si weyn u xoojin doonta adeegyada caafimaadka ee la xiriira ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta kansarka.


