Talaado 2 June 2026 {HMC} La-taliyihii hore ee amniga qaranka Mareykanka,John Bolton ayaa maanta sheegay inuu Trump ku dhacay dabin uu isagu dhigay, marka laga hadlayo dagaalka Iiraan. Wuxuu yiri;
“Marka qof uu saddex jeer yiraahdo dan kama lihi, badanaa waxay ka dhigan tahay inuu dhab ahaantii dan ka leeyahay….Haddii uusan Trump walwal qabin, ma uusan la xiriireen Netanyahu si uu isugu dayo xabbad-joojin Lubnaan.”
Bolton wuxuu sheegay in Iiraan ay aaminsan tahay, inay xaaladan uga adkaysi badan tahay Mareykanka,
iyo inay awood u leedahay inay u adkaysato cadaadiska siyaasadeed ee Trump.
Ugu dambayn wuxuu yiri; “Waxaan u maleynayaa in Trump uu si aad ah ugu dadaalayo inuu heshiis la gaaro Iiraan, halkii Iiraan ay ka dadaali lahayd.”

