Iiraan oo dejisay qorshayaal cusub oo looga hortagayo sii socoshada weerarrada ay Israa’iil ka gaysanayso Lubnaan iyo Qasa

Talaado 2 June 2026 {HMC}  Taliyaha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee dibadda ka howlgalla ee Quds , Jen. Esmail Qaani ayaa sida ay Al Jazeera baahisay wuxuu sheegay inay Iiraan dejisay qorshayaal cusub oo looga hortagayo sii socoshada weerarrada ay Israa’iil ka gaysanayso Lubnaan iyo Qasa.
Wuxuu yiri;

“ Sii socoshada weerarrada Lubnaan iyo Qasa, waxaa ka dhalanaya in la xiro marin-biyoodka Bab al-Mandab oo lagu soo rogo xaalad la mid ah marinka Hormuz.” Waxaa kaloo uu intaa ku daray ;

“ Qorshaha wuxuu yahay in sidoo jihooyin cusub ay iska caabinta ka weerarto Israa’iil, haddii aan si rasmi ah loo joojin weerarrada Lubnaan iyo Qasa, waxaa naga go’an xabbad-joojin hal dhinac ah inaan la aqbalin.”

Trump, ayaa horey u sheegay in xabbad-joojinta laga dhaqangeliyay Lubnaan, markii Iiraan ay ku hanjabtay inay weerarri doonto waqooyiga dhulka Israa’iil ay haysato, balse Iiraan wali waxay u aragtaa in loo baahanyahay cadaadis dheeraad ah oo salka dhulka u dhigaya Israa’iil.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...