Xalka Gobolka Gedo ayaa wadatashi la isugu yeeray .

Axad 31 May. 2026 {HMC} Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Gobolka Gedo dhigtay Gogol ay isugu imaanayaan mas’uuliyiinta maamulkaas, Siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo dhinacyo kale si ay uga tashtaan Mustaqbalka Gobolkaas sida hadalka loo dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo isla markaana tagay gogosha ayaa fariin u diray shaqsiyaadka fadhigaas isugu tagay.

Waxa uu xusay in xalka Gobolka Gedo uu yahay in ay wadatashi ka sameeyaan Dadka kasoo jeeda isaga oo meesha ka saaray in meel looga soo wada jeysto siyaasadda lagu kala qaybiyay ee saamaynta taban ku reebtay sida yiri.

“Xalka Gobolka Gedo waa in wadatashi la isugu yimaado si loo wada noolaado, Siyaasadda xeer lagu kala baxo ayay leedahay ee aan wada noolaanno, hal ciidan ayaan wada nahay, waana in la is qadariyaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...