Maxeey ka wada Hadleen Taliye Mahad Salaad iyo Qaar kamid ah Xubnaha Madasha Mustaqbalka oo Caawa kulan ku yeeshay Muqdisho..?

Axad 31 May. 2026 {HMC} Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA Mahad Salaad uu caawa mar kale kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, iyadoo laga wada hadlay ilaalinta amniga caasimadda iyo bannaanbaxa ay mucaaradku iclaamiyeen 4-ta bisha Juun.

Ilo kala duwan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in kulamadan ay daba socdeen kulankii xalay dhex maray Taliyaha Sirdoonka iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Waxaa hadda muuqata in dadaal xooggan lagu bixinayo sidii loo xaqiijin lahaa in bannaanbaxyada mucaaradku qorsheynayaan aysan ka dhalan amni-darro, qalqal ama isku dhacyo hubeysan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan bannaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka qayb qaateen ciidamo hubeysan oo ka amar qaata xubno ka tirsan mucaaradka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...