Iiraan oo sheegtay Trump in uu ka been sheegayo qodobada heshiiska.

Jimco  29, May 2026 {HMC} Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars oo xiriir la leh ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in Trump uu ka been sheegay qodobada heshiiska.

Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay aqbashay, in marinka Hormuz si xor ah loo furo iyo in la burburiyo walxaha nukliyeerka Iiraan.
Laakiin Fars waxay sheegtay in labadaas arrimood aysan ku jirin qoraalka dhabta ah ee heshiiska.

Iiraan waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay inuu markiiba sii daayo $12 bilyan oo hanti ay leedahay Iiraan oo horey loo xayiray inta aan heshiiska la saxiixin.

Waxaa kale oo warbixintu sheegtay in heshiiska lagu xiray xabbad-joojin buuxda oo ka dhacda Lubnaan,taasoo lagu fulinayo shuruudaha Xisbullah, halka warbixintu xaqiijisay in heshiiska uu weli sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee Iiraan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...