Khamiis 28, May 2026 {HMC} Kulan dhex maray maanta Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mahad Maxamed Salaad Taliyaha NISA ayaa ku soo dhamaaday is afgarad. Waxaa lagu balamay in caawa mar kale la is arko. Labada Masuul waxay isla qaateen in meesha laga saaro wax walba oo dagaal ka abuuri kara GalMudug ama Dhuusamareeb.
Soo jeedihta Mahad Salaad:
1. In aan QoorQoor ka doonto xilka Galmudug
2. In uu Liibaan uu xilka ka doonto iyo
3. In sedexdeenaba naloo qabto doorasho sax ah.
Madaxweynaha waxa uu soo dhoweeyey soo jeedinta Agaasinaha NISA, Caawana kulan kale ayaa jira, Mdaxweynaha ayaa intaas qodobkii uu qaadan lahaa laga sugayaa.
FG: waxaa meesha ka baxday in:
1. Mahad Salaad uu ka haray damaciisa ahaa doonista GalMudug.
2. In uu khilaaf xoogani u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Taliyaha iyo
3. In Agaasime Mahad Salaad uu iscasilayo hadii xaaladdu adkaato.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa PM Xamse Cabdi Barre.
W/QÂ Abdinasir Hirsi Iidle

