Dagaal sababay dhimasho iyo dhawac oo u dhaxeeya Beelaha Fiqishini iyo dhulmahante oo maanta ka dhacay dooxada Madax-lagu-xoor

Khamiis 28, May 2026 {HMC} Dagaal ayaa maanta ka dhacay dooxada Madax-lagu-xoor oo u dhow deegaanka Buqdharkayn oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Waqooyi Bari iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Fiqishini, wuxuuna salka ku hayaa deegaamayn uu diidan yahay maamulka Waqooyi Bari.

Waxaa la soo warinayaa in dagaalkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waloow aan weli la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dooxada Madax-lagu-xoor ayaa hadda xaaladeedu degan tahay, kaddib markii ay la wareegeen ciidamada maamulka Waqooyi Bari, balse waxaa xiisad taas la xiriirta laga soo sheegayaa deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gurmad u Fidiyay Qoysas ay Roobabku Saameeyeen Xarardheere.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gurmad u Fidiyay Qoysas ay Saameeyeen Roobabka ka Da’ay Xarardheere Xarardheere, 16 Oktoobar 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo...