Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Shirkadda Korontada ee Garoowe ee (NECSOM), isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Shirkadda.
Madaxweynaha ayaa booqday qeybta korontada dhalisa ee Shirkadda NECSOM iyo mashruuca Koronto jebinta Garoowe oo laga hirgeliyay duleedka Garoowe kaasi oo loogu talagalay in uu magaalada siiyo Koronto ku filan oo laga dhaliyey tamarta qoraxda (Salar).


