Soomaaliya oo Safaaradaha Caalamka Gaarsiinaysa Baasaboorka Cusub.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC}  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta nuqulada tusaalaha Baaboorada cusub ku wareejiyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara).

Wajiga koowaad, 80 buug oo baasaboorro cusub ah ayaa la gaarsiin doonaa safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee ku kala yaalla dalalka caalamka, iyadoo tirada guud la filayo inay gaarto 200.

Wasaaraddu waxay baasaboorka cusub gaarsiin doontaa safaaradaha Soomaaliya iyo dowladaha shisheeye, si ay uga warqabaan casriyeynta lagu sameeyey dukumentiyada safarka ee Soomaaliya, ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin bixinta baasaboorka cusub.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Baraawe.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baraawe ee...