Hogaamiye Aadan Madoobe oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan, kuwaas oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowladda Galmudug.

Hoggaamiyaha ayaa mas’uuliyiinta cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ka heleen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, isaga oo u rajeeyay in ay si hufan, xilkasnimo iyo cadaalad leh u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in hoggaanka cusub uu door muuqda ka qaato xoojinta dowladnimada, dimoqraadiyadda, wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Golaha Wakiilladu yahay hay’ad muhiim u ah matalaadda shacabka, ilaalinta shuruucda iyo horumarinta maamulka dowladnimo ee Galmudug.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sido kale u rajeeyay Guddoonka cusub guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadkooda shaqo, isaga oo muujiyay rajada laga qabo in doorashadani ay sii xoojiso hannaanka dowlad-dhiska, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka guud ee Dowladda Galmudug.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiilka Cusub ee UNDP ee Soomaaliya.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka cusub ee...