Axad 18 Oct 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Isack Mohamed Isack (Korsaar), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyasha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, iyagoo yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay arrimaha amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta dadaallada lagu sugayo amniga iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha ay khuseyso, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka.
Wasiirka iyo La-taliyaha Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah iyo isku-duwidda dadaallada lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo badbaadada bulshada.

