Axad 18 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS.
Xukuumadda Soomaaliya oo buuxisay booskii Wasiirnimo ee uu baneeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Xamsa markii uu arkay qodobka 120-aad farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay taariikh nololeedka, khibradda iyo aqoonta mudanaha xilka loo magacaabay, markii uu tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Cumar Macalin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Cabdulqaadir kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.

