Sabti 10 Oct 2026 {HMC} Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa markii u horeysay si fool ka fool ah rasaas isugu weydaarsaday agagaarka magaalada Bure.
Warar soo baxaya waxey sheegayaan in dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay rasaas isku weydaarsadeen agagaarka magaalada Bure oo ku taalla xadka labada dal. Magaalada Bure waxey qiyaastii 80 KM u jirta dekedda Casab (Asseb).
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaa laga maqlay dhawaqa rasaasta agagaarka magaalada Bure. Ilaa hadda, dowladaha Itoobiya iyo Eritrea midkoodna war rasmi ah kama soo saarin.
Xiisadda u dhexeysa Eritrea iyo Itoobiya ayaa sii xoogaysanaysay tan iyo bishii hore, markii uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo isbahaysi mucaarad ah oo Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Isbahaysiga Badbaadada (Alliance for Survival).

