Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay shacabka iyo siyaasiyiinta Galmudug sida nabdoon ee ay u maareeyeen geeddi-socodka doorashada.
Waxa uu tilmaamay in is-afgaradka dhinacyada siyaasadda Galmudug uu yahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa bisayl siyaasadeed, dimuqraadiyad iyo horumar laga gaaray xasilloonida, isaga oo xusay in Galmudug ay tusaale wanaagsan u noqon karto Dowlad Goboleedyadakale ee dalka.
Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare, iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug ee hore loo doortay.
Wasiirka ayaa hoggaanka cusub ugu baaqay in mudnaanta koowaad la siiyo wax ka qabashada colaadaha beelaha iyo xoojinta nabadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan loo baahnayn in dad Soomaaliyeed ay naftooda ku waayaan muranno la xiriira dhul iyo ceelal-biyood.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku boorriyay hoggaanka cusub iyo Baarlamaanka Galmudug in ay xoojiyaan wadajirka bulshada, isla markaana hubka iyo awoodda ciidan loo jiheeyo difaaca shacabka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee weli ku sugan qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.

