Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan heshiis lagu ahayn, isla markaana lagu majara-habaabinin bulshada.
War-saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay in diiwaangelintan ay tahay mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo duruuf adag kala kulmaya amni xumo iyo dhaqaale yari.
Puntland waxay sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta danaheeda gudaha, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, iyo kobcinta dhaqaalaha. Sidoo kale, waxay sheegtay inay qorshaynayso inay hirgeliso kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID) oo loo adeegsan doono baahiyaha gudaha ee Puntland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa caddeysay in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana laga hirgelin karin diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka. Wasaaraddu waxay uga digtay shacabka Puntland in ay ka qaybqaataan barnaamijkan ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in aqoonsiga dowladda Federaalku bixinayso uu yahay mid aan sugnayn oo ku jira gacan aan la isku hallayn karin.