spot_imgspot_imgspot_img

MW Cirro Oo Ka Qeyb Galay Munaasabadda Diiwaangelinta Casriga Ah Ee Ciidamada Somaliland

Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ka qaybgalay munaasabadda diiwaangelinta casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas oo kamid ahayd ballamadii uu kusoo galay Doorashadii dhacday Nofeembar 2024.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa mid mid u kormeeray qalabka cusub iyo goobaha diiwaangelinta Ciidamada ee casriga ah sida faraha, indhaha & sawirka laga qaadayay Saraakiisha iyo ciidamada qaybahooda kala duwan ee Somaliland.

Cirro ayaa tilmaamay in nidaamkaan uu wax badan saxayo ciidamada Maamulka Somaliland oo diiwaan la hubo maraya sidaasna loola soconaya xogta askari weliba iyo sarkaalka nidaamkaan mara sida uu hadalka u dhigay.

Waxyaabihii uu ballanqaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo muddadii uu bannaan joogga ahaa ku dhaliili jiray Madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi ayuu qaaday tallaabooyin uu ku buuxinayo si aanay markiisa laguugu dhaliilin.

WARARKA