Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, daawo iyo gawaarida gargaarka deg dega ah.
Hay’adda ayaa dhaqaatiirta, daawada iyo gawaarida gargaarka deg dega ah ugu talo gashay in lagu taageero ciidanka difaaca deegaanka ee u taagan la dagaalanka kooxda Al-shabaab.
SODMA ayaa sheegtay in dhaqaatiirta ay saldhigan doonaan Isbitaalka degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, islamarkaana ay ka howlgali doonaan magaalooyin ay ka mid yihiin Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo waliba goobaha kale ee howlgaladu ka socdaan ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed oo magaalada Muqdisho ka sagootiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan ayaa sheegay in talaabadaani ay tahay mid loogu talo galay yareynta khasaaraha kasoo gaara ciidanka deegaanka howlgalada ka dhanka ah kooxda.
Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii hay’adda SoDMA ay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan gaarsiisay deeq daawo ah oo loogu tala galay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaanada kale ee u baahan baxnaanada caafimaad.
Ugu dambeyntii Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed SoDMA ayaa mudooyinkii dambe si weyn deeq raashiin ah ugu daabuleysay qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka socdaan howlgalada dalka looga xudeynayo Al-shabaab.