Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa xoojisay dadaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Soomaaliya, isagoo Soomaaliya geynaya diyaaradaha dagaalka ee Akinci aan duuliyaha lahayn (UCAVs).
Tallaabadaan ayaa la filayaaa in ay sare u qaaddo awoodda howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ayaa ah kuwo qaada illaa afar xabbadood oo yaryar oo loogu talagalay ilaalinta iyo hawlgallada ka hortagga argagixisanimada.
Diyaaradda Akıncı waxay awoodaa inay qaaddo culeys aad u sarreeya oo dhan 1,500 kg, taasoo awood u siineysa in ay geyso hubka riddada dheer iyo kuwa culus, oo ay ku jiraan gantaalada SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo gantaalada Bozok, iyo bambooyinka MK-82.
Falanqeeyayaasha militariga ayaa sheegaya in Turkiga soo daabulidda diyaaradahan aan duuliyaha lahayn uu uga gol leeyahay in lagu xoojiyo howlgallada ciidamada XDS, laguna carqaladeeyo dardargelinta Al-Shabaab iyo in la xakameeyo dhul ballaarsiga kooxda ay waddo.
Wararka ayaa sheegaya in laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Akınci la filayo inay si degdeg ah u yimaadaan Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgallada haatan socda.
Soo bandhigida diyaaradahan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegayaa in ay calaamad u tahay is beddelka istaraatiijiyadda ka hortagga argagixisada Soomaaliya.