Talaado 18,March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la wareegeen qalabkii doorashada loo adeegsan lahaa.
Cabdikariin ayaa sheegay in bisha Juun dhammaadkeeda la qabanayo Doorashada Deegaanka, waxaana billaabanaya diiwaangelinta Dadweynaha buuxiya shuruudaha u ogolaanaya in ay codeeyaan sida hadalka loo dhigay.
“Waxaan la wareegnay dhamaan qalabkii doorashada, bisha soo socta waxaa bilaabanaysa Diiwaan galinta dadweynaha, waxaana noo bilaabmaya doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan.
Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qabaneyso Doorasho qof iyo cod ah si ay uga guurto nidaamka codeynta Doorashooyinkii dadbanaa ee lagu soo dhisay 6dii Dowlad ugu dambeysay ee la doortay tan iyo sanadkii 2000.