spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay Safarka Madaxweyne Xasan shiikh ee Moqokori.

Talaado 18,March 2025 {HMC} Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa ka socoto Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo lagu wado in Saacadaha soo socda uu gaaaro Madaxweynaha.

Degmada Moqokori Waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Madax kale kuwaas oo dhamaantod ka qeeyb qaadan doono Soo dhaweeynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa Safarka ku wehliyo, Taliyaha Hay’ada Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliye Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

dhamaan Madaxdan ayaa Moqokori u gaari doono dardar galinta Dagaalka ka dhanka Ah Al-shabaab ee ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug. waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in moqokori laga dhige doono Saldhig Militire oo howlgaladan laga hago.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada ku sugan degmada aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhaxe, halkaasi uu u tagay dardar galinta Dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS oo mudooyinkii dambo ka socday Gobolkaasi.

WARARKA