Talaado 18,March 2025 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu tago furimaha dagaalka ee deegaanada Hirshabelle, si markale dib u bilaabo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.
Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo gaaro degmada moqokori ee Gobolka Hiiraan oo labo sano ka hor laga xureeyay kooxda AS.
Ujeedka socdaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira kormeer uu sameeyn doono furimaha dagaalka iyo xeryaha ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee macwiilseyda.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu tagi doono deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu dardargelin doonaa wejiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Marka uu tago deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa saraakiisha ciidamada, isagoona fari doono in la qaado dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.