spot_imgspot_imgspot_img

burcad-badeed Soomaaliyeed oo xeebaha Puntland ka af-duubtay doon kalluumeysi oo….

Talaado 18,March 2025 {HMC} Dabley hubaysan oo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen.

Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shaaciyay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada EYL ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in doontaasi ay qafaasheen dabley hubaysan oo ka kooban 7 nin kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay yihiin burcad-badeed Soomaaliyeed balse weli dhacdada baaritaan ku socdo.

Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa intaasi raaciyay in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8 shaqaale ah oo dhammaantood Soomaali ah waxaana dhacdadaasi imaanaysaa bil kaddib markii burcad-badeedu weerartay doontii Seytuun2 oo uu ka babanayay calanka Yemen.

WARARKA