spot_imgspot_imgspot_img

Saraakiil ka socdo DFS oo dib u celisay Hub Laga soo Furtay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya oo la dilay.

Talaado 18,March  2025 {HMC}  Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u celiyay labo qori oo laga qaatay askari ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo lagu dilay weerar ka dhacay saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee degmada Mandheera.

Hubkan oo isugu jiray G3 iyo qori AK47 ah ayaa subaxnimadii Sabtida lagu wareejiyay kooxda nabadsugidda Mandheera.

Wareejinta Hubka ayaa timid saacado kadib markii rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ay weerar dhimasho badan dhaliyay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ku sugnaa Barta 4-aad ee Magaalada Mandheera.

Sida laga soo xigtay warbixinnada bilayska, ilaa 20 nin oo hubaysan ayaa Jimcihii, Maarso 14 ku weeraray shan sarkaal oo ka tirsan Qaybta Bilayska ee Xuduudaha.

Intii uu weerarka socday, Constable Dennis Omari ayaa la toogtay oo la dilay isla markiiba, halka sarkaal kale uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix.

Dhaawaca sarkaalka ayaa lagu daweynayaa isbitalka Mandheera, waxaana tan iyo markii loo duuliyay magaalada Nairobi si halkaasi loogu soo daweeyo.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen qoriga G3 ee sarkaalka la dilay oo watay 60 xabo iyo qori AK47 ah oo ay ku jiraan 30 xabo ka hor inta aysan goobta ka cararin.

Masuuliinta Maamulka Mandheera ee Kenya ayaa ka shakisan in weerarka uu salka ku hayo aargoosi.

Sida laga soo xigtay baaritaanno horudhac ah, dhacdadan ayaa laga yaabaa inay la xiriirto xarig dhawaan loo geystay dad looga shakisan yahay argagixisanimo oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku daygii af-duub ee fashilmay ee lala beegsaday muwaadiniin Shiinees ah oo ka shaqeynayay Mandheera.

Booliisku waxay rumaysan yihiin in weerarka uu isku dubariday mid ka mid ah qaraabada mid ka mid ah tuhmanayaasha la xiray, kaas oo la sheegay in uu yahay sarkaal ka tirsan hay’adda.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan booliska ayaa tan iyo markii ay goobta tageen waxa ay qeyb ka yihiin baaritaanada socda. Mas’uuliyiinta Kenya ayaa dalbaday in loo soo celiyo hubkii, lana soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarka.

Wax yar ka dib dalabaadkaas, mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya waxay ku wargeliyeen dhiggooda Kenya inay soo furteen qoryihii, ayna diyaar u yihiin inay soo celiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, tuhmanayaasha la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarka ayaa weli baxsad ah.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

WARARKA