Isniin 17, March 2025 {HMC} Kulan ay manta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Beesha Xawaadle ayaa waxa ay kaga hadleen labo arin oo kala ah Dagaalka ka dhan ka ah Al shabaab iyo Magacaabista Golaha Wasiirada ee Maanta la sameeyay.
Xildhibaanada kulanka ku yeeshay muqdisho ayaa balan qaaday in ay sii xoojin doonaan Dagaalka ka socdo Dalka ee ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al shabaab.
Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa ka hadlay isku shaandheynta maanta lagu sameeyay Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxana ay sheegeen in ay go aan ka qaateen Magacaabita maanta lagu sameeyay Golaha wasiirada Soomaaliya.