Isniin 17, March 2025 {HMC} Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Suuriya.
Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay weerarka dableyda katirsan Xisbullaah ka fuliyeen gudaha Suuriya, waxaana Wasaaradda Difaaca laga soo xigtay in weerarkaasi gaadmada ah Xisbullaha ku dileen saddex askari.
Weerarkan ay fuliyeen kooxda Xisbullaah ayaa ka dhacay dulleedka magaalada Xumus, waxaana aagga weerarka ka dhacay la geeyay ciidamo badan oo katirsan kuwa ammaanka Suuriya, kuwaa oo bilaabay howlgallo ka dhan ah kooxda weerarka soo qaaday.
Xisbullaah weerarkan ay ka fulisay gudaha Suuriya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ay kooxdaasi ka geesato gudaha Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Bishaar Al Assad, lamana oga waxa xilligan kusoo beegay weerarka Xisbullaha fulisay.
Dowladda Suuriya , ayaa si buuxda ula wareegtay ammaanka inta badan gobolada dalka Suuriya, waxa ayna dowladda ay hoggaamiyaan kooxaha sunniyiinta heshiisyo la gashay maamulada gobolada qaar ay degan yihiin bulshooyin kala duwan,.