Isniin 17, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaga oo yeeshay wada-hadalladii ugu horeeyey ee tan iyo markii Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad.
Waxay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin; dadaallada lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, xasilloonida Suuriya, iyo horumarinta iskaashiga difaaca ee labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Erdogan Axaddii.
Erdogan ayaa u sheegay Trump in Turkigu taageersan yahay “dadaallada go’aanka leh iyo tooska ah” ee Mareykanku ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Wuxuu ballanqaaday in Turkigu sii wadi doono dadaallada loogu jiro nabad waarta oo cadaalad ku saleysan.
Dhanka Suuriya, Erdogan wuxuu carrabka ku adkeeyay “muhimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo qaadista cunaqabateynta Suuriya si xasillooni loogu soo celiyo, maamulka cusub u shaqeeyo, iyo in la taageero dadaallada dib u hagaajinta.”
Bayaanku wuxuu xusay in tallaabadani ay muhiim u tahay in muwaadiniinta Suuriya ay dib ugu laabtaan dalkooda.
Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka
Erdogan wuxuu sidoo kale xoojiyay baahida Turkiga ee ah in Mareykanku qaado tallaabooyin lagula dagaallamayo argagixisada, si waafaqsan danaha amni ee Ankara.
Mareykanka wuxuu si dhow ula shaqeeyaa xoogagga Kurdish-ka ee Suuriya, kuwaasoo door muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Si kastaba ha ahaatee, Turkiga wuxuu YPG—oo ah garabka militari ee Kurdish-ka Suuriya—u arkaa laan ka tirsan PKK, oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.
Erdogan ayaa si adag u dhaliilay taageerada Mareykanka ee YPG, isaga oo ku tilmaamay “khiyaano” ka dhan ah xulafanimada NATO.
Dhanka iskaashiga milateri, Erdogan wuxuu kala hadlay Trump in la joojiyo xayiraadaha Mareykanka ee CAATSA, iyo in si degdeg ah loo dhameystiro heshiiska Turkiga ee iibsiga diyaaradaha F-16 iyo dib ugu soo noqoshada barnaamijka F-35, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.
Mareykanka ayaa Turkiga kusoo rogay cunaqabateyn kadib markii Ankara ay 2019 iibsatay nidaamka difaaca gantaallada S-400 ee Ruushka, taasoo keentay in laga saaro mashruuca F-35.
Erdogan ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay in xayiraadahaas la qaado, si loo hagaajiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.