spot_imgspot_imgspot_img

Askari Ka Tirsan Dowladda oo Qof Shacab ah Ku Toogtay Mudisho

Axad 16, March 2025 {HMC}  Askari katirsan Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa meel u dhaw isgoyska Afarta Jardiino ku dilay wiil wade mooto Bajaaj ahaa.

Wararka aan heleeno ayaa sheegaya in askarigii dilka gaystay uu goobta ka baxsaday waxaana halkaas ka bilowday banaanbax xooggan .

Wadayaal mooto bajaaj oo arintaan ka carooday ayaa agaas isugu soo baxay waxa ayna bur buriyeen gaarigii ay wateen askartii taraafikada ahayd iyaga oo markii dambe deb qabad siiyay gaariga .

Xaaladda ayaa waxa ay tahay mid kacsan banaanbaxa ayaana waxa uu yahay mid sii xoogeysanaaya.

WARARKA