Axad 16, March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa ku hanjabay in tallaab adag ay ka qaadayaan qof weliba oo qaata Kaarta aqoonsiga muwaadinnimo ee Hay’adda NIRA bixineyso.
Faysal ayaa sheegay in qofkii qaata kaarta uu dhumin doonno xuquuqda muwaadinnimo ee Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama jiritaanka hay’adda NIRA uu ku tilmaamay mid aan ku dhisneen Dastuurka Dalka sida uu hadalka u dhigay.
“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa Xuquuqda Muwaadinnimo ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” Faysal Sheekh Cali, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee DG Puntland
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer kahor timid tallaabooyin kala duwan oo ay qaadeen Hay’adaha Dowladda Federaalka sida Imtixaanka Mideysan, Diiwaangelinta Muwaadiniinta codeynaya, Guddiga Doorashooyinka iyo kuwo kale.