Axad 16, March 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamo ka tirsan kuwa difaaca deegaanka ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada kala ah Miirtaqwo iyo Laba garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe
Howlgalka ayaa lasoo wariyay in lagu dilay labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale lagu soo furtay qoryahii ay wateen.
Howlgalkaan ciidanka deegaanka ka fuliyeen inta u dhaxeya Miirtaqwa iyo Laba garas ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka howlgalo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda ay ka fuliyeen tuulada lagu magacaabo Sumadaale oo hoostagta Laba garas.
Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda intiisa badan howlgalada ka dhan ah Ururka Al-shabaab oo xoojiyay maalmahii lasoo dhaafay weerarada ay ka geysanayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka ayaa dhawaan shaacisay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolka dalka lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsana Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.