spot_imgspot_imgspot_img

Afar qodob ka ogow hindisaha xabbad-joojinta ee Ukraine io Ruushka

Jimco 14, Mar 2025 {HMC} Maalmo kaddib markii Ukraine ay oggolaatay heshiis xabbad-joojin ah oo 30 maalmood ah, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka ka hadlaya soo jeedinta Mareykanka ayaa ku jawaabay wax u dhaxeeya haa iyo maya.

Halkan waxa aan idiinku soo gudbinaynaa afar qodob oo aa duga baahan tahay in aad ka ogaato.

Muxuu yidhi Putin? Waxa uu raacay Maraykanka fikradda loo soo jeediyay, laakiin wuxuu ku xidhay shuruudo adag isaga oo su’aal geliyay nooca iyo qaabka loo gaadhayo xabbad-joojinta. Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Meesha laga saaro waxa saldhigga u ah dhibaatada. Isaga oo intaasi ku daray in waddankiisu uu u baahan yahay in uu la xaajoodo Maraykanka. “Waxaa laga yaabaa in aan la xidhiidho Donald Trump,” ayuu yidhi.

Maxay tahay jawaabta Ukraine? Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay hadalka Putin mid wax isdaba marin ah, wuxuuna ku baaqay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro Ruushka. Putin “si toos ah uma yiraahdo maya”, ayuu ku yidhi muuqaal habeennimo ah, laakiin “ficil ahaan, wuxuu diyaarinayaa in uu diido”.

Maxaa ka jira in ay wadahadallo dhaceen? Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Putin la filayo in uu la kulmo ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, kaas oo u duulay Moscow xilli hore oo Khamiistii ah – laakiin ma cadda in kulankaasi uu dhacay. Jimcihii, warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa shabakadda la socodka hawada ee Flightradar ayaa sheegtay in diyaaradda la rumeysan yahay in ay sidday Witkoff ay ka tagtay Moscow.

Maxaa dhacay xalay? Ruushka iyo Ukraine labaduba waxay isu eedyeen masuuliyadda weerarro hor leh oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn . Ukraine ayaa sheegtay in toddobo qof – oo ay ku jiraan carruur – ay ku dhaawacmeen magaalada waqooyi-bari ee Kharkiv. Ruushkuna waxa uu sheegay in dab weyn uu ka kacay xarun shidaal oo ku taal koonfurta magaalada Tuapse.

WARARKA