Jimco 14, Mar 2025 {HMC} Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in ciidamadiisa ay go’doon culus ku hayaan kuwa dalka deriska la ah ee Ukraine, waxa uu ugu goodiyay in ay is dhiibaan ama ay dhiman doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Putin ayaa Wariyaasha kula hadlay Magaalada Moscow ayaa sheegay in Xaaladda Kursk ay tahay mid gei ahaanba ku jirta gacantooda sidaas awgeed ay go’doon ku jiraan ciidanka Ukraine oo haddii ay isku dayaan in ay dagaalamaan geeri dhadhamin doonnaan.
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in markaan waji dhab ah uu yeelanayo Dagaalka Ukraine, waxa uu ku hanjabay in uu soo afjarayo ciidamada Kyiv ee doonaya in ay weeraro ku qaadaan saldhigyada ciidankiisa sida uu hadalka u dhigay.
“Xaaladda Kursk ay tahay waa mid gebi ahaanba ku jirta gacanteena, halka kooxdii duullaanka nagu soo qaadayna ay hadda ku go’doonsan tahay, Haddii go’doominta dhabta ah dhacdo maalmaha soo socda, cidna kama bixi doonto halkaas. Waxa kaliya ee u furan waa in ay is dhiibaan ama ay dhintaan.” Vladimir Putin.
Ukraine ayaa wajahaysa xaalado adag maadaama Maraykanka uu si toos ah uga jartay kaalmadihii Militari ee qiimaha badan ku kacaysay si ay isaga celiso Ruushka oo safka hore uga jira Waddamada lagu tiriyo kuwa ugu awoodda badan dhinaca Militariga.