spot_imgspot_imgspot_img

Cali Jeyte “waad ogtihiin Dagaalka dowlada anaga ayaa kaga horeenay”

Jimco 14, Mar 2025 {HMC} Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa ku baaqay in lasoo afjaro dagaalka afar sano jirsaday ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Cali Jeyte Cismaan ayaa si gaar ay u sheegay in dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee Al-shabaab kula jirto beesha Xawaadle uu haatan u baahan yahay qorshahii lagu soo gabagabeyn lahaa, isagoona dhaliilay qaabka uu hada ku socda dagaalka.

“Dadkeygow waxaan idiin sheegaya in dagaalka uu nagu daba dheeraday oo aan u baahanay inan soo afjarno, dagaalka hada waxa uu u baahan yahay taageero xoogan, waad ogtihiin Dagaalka dowlada anaga ayaa kaga horeenay hadaan dowlada garabkeeda weyno miyaan ka baxeyna dagaalka oo aan baqana, nimankii waan colownee waa inaan baqin oo aan dagaalnaa, baqasho mahan gobanimo” ayuu yiro Cali Jeyte Cismaan.

Hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha Xawaadle iney isugu yimaadaan kulan kale oo balaaran si xal dhab ah loogu helo taageerada dagaalka beesha kula jirto Al-shabaab.

“Waxaa lagu jira bil Ramadaan qofka dagaalamaya ee qasnad sodon baaloota ah ridaya ee hadana qorshe ka dambeeya loo haynin ma wax wanagsan baa, sida haatan dagaalku ku socdo si sax ah maaha ee madaxda beesha halkan badan keedu fadhiso waxaan leeyahay dagaalka il hoose halagu eego”ayuu yri Cali Jeyte.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Cali Jeyte Cismaan kulan Afur ahaa oo Xalay beesha Xawaadle ku yeelatay Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay dardargalinta xoojinta xureynta dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo in beesha diyaar u tahay doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga qabto.

WARARKA