spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo Markii ugu Horeeysay ka Hadashay Kooxda AS

Khamiis 13, Mar 2025 {HMC} Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Israa’iil iyo Itoobiya, Gideon Sa’ar iyo Gedion Timotheos, ayaa yeeshay kulan ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga, gaar ahaan arrimo la xiriira Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka AS iyo kooxaha kale ee lamidka ah.

Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga amni ee labada dal.

Wuxu xusay in ay qeyb yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo ka socda Soomaaliya si loola dagaallamo Al-Shabaab loona xoojiyo nabadda gobolka.

WARARKA