spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweeynaha Mareynkanka oo Dib uga laabtay Qorshihiisa Barakicinta Shacabka Qasa

Khamiis 13 Maarso 2025 {HMC}  Afhayeenka Xamaas, Hasem Qaasim ayaa soo dhaweeyay ka laabashada go’aanka madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee barakicinta ah ee in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Qasa.

Trump ayaa sheegay inuusan “qofna uusan ka saarin Qasa” isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Ireland.

“Haddii hadalka madaxweynaha Mareykanka Trump uu ka dhigan yahay ka-noqoshada fikrad kasta oo ah barakicinta dadka Marinka Qasa, waa la soo dhaweynayaa,” ayuu Qassem ku yiri bayaanka.

“Waxaan ku baaqaynaa in Israel fuliso dhammaan qodobbada heshiiska xabbad-joojinta,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Qorshaha Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka yaabiyay dunida, ka dib markii uu bishii hore ku dhawaaqay in Falastiiniyiinta si rasmi ah loogu barokiciyo dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun.

WARARKA