Khamiis 12 Maarso 2025 {HMC} Mas’uuliyiin ka socda Maraykanka ayaa u ambabaxaya Ruushka si ay uga wadahadlaan xabbad-joojin suurtagal ah oo laga gaadho dagaalka Ukraine, sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump.
Wararkan ayaa imanaya kadib markii mas’uuliyiinta Ukraine ay oggolaadeen xabbad-joojin 30 maalmood ah, kaddib kulan aad loo sugayey oo ay la yeesheen saraakiil Maraykan ah oo ka dhacay Sacuudiga.
Horey, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in “kubaddu ay dhab ahaantii la taallo dhanka [Ruushka]” isla markaana Maraykanku aaminsan yahay in dagaalka lagu soo afjari karo oo kaliya wada-hadal nabadeed.
Kremlinka ayaa sheegay in ay falanqaynayaan soo jeedinta xabbad-joojinta, isla markaana ay suurtagal tahay in Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay telefoon ku wadahadlaan.
Kadib kulankii ka dhacay Jeddah Talaadadii, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in hadda ay tahay in Maraykanku qanciyo Ruushka si uu u ogolaado soo jeedinta “wanaagsan”.
Xilli Arbacadii uu ka hadlayay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad, isagoo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaaraha Ireland Micheál Martin, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu helay “farriimo wanaagsan” oo la xdhiidha hirgelinta suurtagalnimada xabbad-joojin.
“Laakiin farriin wanaagsan waxba maaha,” ayuu yisii raaciyey. “Xaaladdani waa mid aad u culus.”
Trump ma sheegin mas’uuliyiinta u safraya Moscow.
Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka Warfaafinta Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa u sheegtay wariyeyaasha in Xoghayaha Amniga Qaranka Mike Waltz uu la hadlay dhiggiisa Ruushka.
Horraantii toddobaadkan, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ergayga Bariga Dhexe Steve Witkoff uu u safri doono Moscow si uu usii wado wadahadallada xabbad-joojinta kadib kulankii ka dhacay Jeddah.
Aqalka Cad ayaa Arbacadii xaqiijiyay qorshahan.
“Waxaan ku boorrineynaa Ruushka inuu saxiixo qorshahan. Tani waa fursaddii ugu dhoweyd ee aan u helno nabad,” ayay tiri afhayeenka Karoline Leavitt.
Kremlinka ayaa sheegay inay dib u eegayaan soo jeedinta xabbad-joojinta iyo faahfaahinta kale, kuwaas oo, sida uu sheegay afhayeenka Dmitry Peskov, la soo gudbin doono “iyadoo la adeegsanayo waddooyin kala duwan” maalmaha soo socda.
Xafiiska Oval, Trump wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in xabbad-joojintu ay macno u samaynayso Ruushka, isagoo intaa ku daray—laakiin aan bixin faahfaahin dheeraad ah— in ay jiraan “khasaare badan oo u yaalla Ruushka” sidoo kale.
“Waxaan xallinay xaalad aad u cakiran oo dhinac ah. Ku dhawaad waa la xalliyey. Waxaan sidoo kale ka wadahadalnay dhulka iyo arrimo kale oo la xidhiidha,” ayuu Trump raaciyey.
Si uu cadaadis u saaro Ruushka, Trump wuxuu sheegay inuu “wax ka qaban karo dhanka maaliyadda ee ay la daaladhacayaan.”
Kulanka Jeddah wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmara saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine tan iyo kulan dhacay 28-kii Febraayo, kaas oo dhexmaray Zelensky, Trump iyo Madaxweyne ku xigeenka JD Vance, kaas oo isu beddelay muran iyo faro taagtaag, ugu dambeyntiina sababay hakad ku yimid taageeradii milateri iyo wadaagista sirdoonka ee Maraykanka.
Hakadkan ayaa la qaaday kadib kulanka Jeddah, waxaana Trump sheegay inuu rumeysan yahay in dhinaca Ukraine, oo uu ku tilmaamay mid “ad-adayg badan,” iyo Zelensky hadda doonayaan nabad.
Iyadoo wadahadallada xabbad-joojinta ay socdaan, dagaalka Ukraine wali wuu sii xoogeystay.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Ruushka ayaa la sheegay inay xalay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Kryvyy Rih — oo ah magaalada uu Zelensky kasoo jeedo — iyo sidoo kale magaalooyinka dekedda leh ee Odesa, Dnipropetrovsk iyo Kharkiv.
Dagaalladu waxay sidoo kale ka sii socdeen gobolka Kursk ee Ruushka, halkaas oo afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in ciidamada Ruushku ay “si guul leh u sii socdaan” iyagoo dib u qabsaday dhul ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Ukraine.
Galabtii Arbacadii, Kremlin-ku wuxuu shaaca ka qaaday in Madaxweyne Putin uu booqday xarun talis militari oo ku taalla gobolkaas. Muuqaallo la sii daayay ayaa muujinayay Putin oo dhanka socda saraakiishiisa militari, oo ay ku jiraan taliyaha guud ee ciidamada Ruushka, Valery Gerasimov, iyagoo labaduba xiran dhar ciidan.
Booqashadan waxay ahayd tii ugu horreysay ee Putin uu ku tago gobolka Kursk tan iyo weerarkii Ukraine ay ka fulisay xadka bishii Agoosto ee sanadkii hore.
Warbaahinta Ruushka ayaa werisay in Putin uu amray milatarigiisa inay “si buuxda u xoreeyaan” gobolka intii uu booqashada ku jiray. Wali kama uusan hadlin qorshaha xabbad-joojinta ee ay Ukraine iyo Maraykanku ku heshiiyeen Talaadadii.
Dhanka kale, madaxa ciidamada Ukraine, Oleksandr Syrsky, ayaa Arbacadii muujiyay in qaar ka mid ah ciidamada dalkiisu ay dib uga gurteen Kursk. Qoraal uu soo dhigay barta Telegram, ayuu ku yiri: “Xaaladda ugu adag, mudnaantaydu waxay ahayd oo ay sii ahaan doontaa badbaadinta nolosha askarta Ukraine.”