spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Amniga oo soo afjaray weerarkii Kooxda AS kusoo qaaden Baladwayne.

Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay Shalay aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarkaan oo soo gaaray xalay xilli dambe ayeey ciidamada dowllada ku guulaysteen ineey soo afjaraan kuwaasi oo toogtay kooxihii weerarka soo qaaday.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray weerarkii ay soo qaaden kooxda AS.

”Hay’addaha amniga oo markii falka uu dhacay si Degdeg ah kaga jawaabay ayaa soo afjaray Kooxaha naflacaariga ah ee ka dagaalamayay gudaha Hotel qaahira sidoo Kalane waxeey soo Badbaadiyeen inta badan muwaadiniinta ku sugnaa gudaha hotelka midaas oo ah nafhurnimada aay sameeyeen ciidamada qalabka sida oo ka dabatagay dhagarta khawaarijta waxaana aad u koobnaa qasaaraha ka dhashay Weerarka fulaynimada khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiiska maaamulka Gobolka Hiiraan.

ku dhawaad 24 saac magaalada baladwayne waxaa ka maqnaa isgaarsiinta taasi oo sababtay in uu hakad galo isku socodka gaadiidka iyo Goobaha ganacsiga.

Dhankale kooxo hubaysan oo ka tirsan kooxda AS ayaa xalay markale weerar kusoo qaaday qaybo kamid ah xaafada howlwadaag ee magaalada baladwayne.

Dagaal toos ah oo dhax-martay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowllada ee ku sugan magaalada ayaa sababtay in dib ulaabtaan dablayda hubaysan.

Baladwayne oo bilo kahor amnigeeda lagu wareejiyay ciidamada xooga dalka iyo kuwa NISA ayaa si wayn u adkeeyay aminga magaalada iyadoona uu weerarkii shalay noqonaayo kii ugu horeeeyay ay soo qaadaan kooxda AS tan iyo markii Dowllada soomaaliya si toos ah ula wareegtay amaanka magaalada.

WARARKA