Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe culus oo ay saldhig milatari ku siinayso dowladda Masar, si tababar loogu siiyo ciidamada Xoogga Dalka ee ka qayb-qaadanaya howlgalka socda iyo qorshaha sugidda amniga dalka, kaasoo haatan maraya meel wanaagsan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Masar ay horay u gaareen heshiis ku aaddan xoojinta taageerada milatariga, arrintanina ay qayb ka tahay fulinta heshiiskaas.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Masar la siinayo xeryo ciidan oo laga dhisayo gudaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka howlgeli doonaan macallimiin Masaari ah oo tababaro siinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Ujeedka ugu weyn ee qorshahan ayuu ku sheegay in lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, kaasoo ay haatan dardar-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.
“Masaarida waxay si gaar ah u taageeraan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Waxaan rajeyneynaa in la sameeyo xeryo ciidan oo ay ku tababaraan macallimiin u dhashay Masar. Dabcan, qofka ku siiya qoriga ama kuu tababara sarkaal waxa uu si toos ah uga qaybqaatay dagaalka aad ku jirto,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar (Balcad) mar uu warbaahinta la hadlayay.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Masar ay mar walba garab taagneyd Soomaaliya, isla markaana ay horey u tababartay saraakiil Soomaaliyeed oo leh khibrad iyo waayo-aragnimo sare.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli dhowaan labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga amniga, kaasoo u dhexeeyay Qaahira iyo Muqdisho.
Sidoo kale, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa loo ogolaaday inay qayb ka noqoto howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo sanadkan ka bilowday gudaha Soomaaliya. Waxaa la filayaa in ciidamada Masar oo imaanaya dhanka cirka iyo badda ay soo gaaraan dalka.
Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulfitaax Al-Siisi ayaa horey Soomaaliya ugu wareejisay hub iyo saanad lagu xoojinayo ciidamada Xoogga Dalka, kaasoo dhowaan la wareegtay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.