Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Hal maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo sare oo taageersan garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, waxaa soo baxaya warar sheegaya in iska horimaadyo ciidan ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray.
Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus.
Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa saacado yar ka hor sheegay in “koox yar oo saraakiil ciidan ah” ay “sharciga gacantooda ku qaateen, ayna burburinayaan hay’adaha dowladeed ee gobolka Tigray,” taasoo, sida uu sheegay, gelisay gobolka xaalad khatar ah oo aan hore loo arag.
Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat.
Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay.
Khasaaraha Mekelle iyo Adigudom
Getachew Reda ayaa Talaadadii sheegay in khasaaro badan laga soo sheegay Mekelle iyo Adigudom.
Isaga oo arrintan ka hadlayay, wuxuu yiri, “Waxaa jira khasaaro badan oo ka dhacay Adigudom iyo qaybo ka mid ah Mekelle. Weerarkan waa qeyb ka mid ah qorshe lagu doonayo in si sharci-darro ah xukunka loogu dhiibo garab ka mid ah TPLF, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa rabitaanka shacabka Tigray iyo heshiiskii Pretoria.”
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada saxiixay heshiiska Pretoria inay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda.
Sidoo kale, Getachew Reda ayaa ku andacooday in “xoogag shisheeye” – oo sida la fahamsan yahay uu ula jeedo ciidanka Eritrea – ay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqa garabka Debretsion ee Adigrat iyo qaybo kale oo ka mid ah Tigray.
Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa warbaahinta bulshada, wuxuu yiri, “Waxaa jira sababo badan oo muujinaya in xoogag shisheeye ay isku dayayaan in ay ka faa’iidaystaan qalalaasahan si ay u sii xoojiyaan rabshadaha gobolka iyo guud ahaan deegaanka.”
Getachew Reda oo go’doon ku jira?
Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ay go’doon ku yihiin magaalada Mekelle.
Dhawaan, Khamiistii, General Tsadkan Gebretensae, oo horey u soo noqday taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya isla markaana taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Getachew Reda, ayaa maqaal uu ku qoray “Africa Report” ku sheegay in “dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea uu suurtagal yahay waqti kasta.”
Inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in saraakiisha milatariga ee taageersan garabka Debretsion – kuwaasoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ganacsiga dahabka ee sharci-darrada ah iyaga oo u maraya Eritrea – ay si qarsoodi ah ula kulmeen dowladda Eritrea, haddana saraakiishan ayaa beeniyay eedeymahaasi.
Dowladda Federaalka oo weli aamusan
Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed wali kama hadlin xaaladda cakiran ee gobolka Tigray.
Dhanka kale, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in gobollo ka mid ah Tigray, gaar ahaan bariga, oo taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah, ay bartilmaameed u yihiin weerarka ugu dambeeyay ee garabka TPLF ee Debretsion, iyadoo wararka qaar ay xusayaan suurtagalnimada in Eritrea ay ku lug leedahay.
Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay sahminayaan Mekelle iyo deegaanada ku hareeraysan, hase yeeshee Getachew Reda ayaa la sheegay in uusan wax xog ah ka haynin arrintan.