Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Taageerada Mareykanka ee Falastiiniyiinta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida lagu ogaaday sahan cusub oo ay sameysay shirkadda Gallup.
Sida lagu caddeeyay sahanka, boqolkiiba 33 ee shacabka Mareykanka ah ayaa sheegay inay la safan yihiin Falastiiniyiinta, taasoo lix dhibcood ka sarreysa heerkii sannadkii hore, islamarkaana ah tii ugu sarreysay abid.
Dhanka kale, taageerada Israa’iil ee gudaha Mareykanka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee 24-kii sano ee la soo dhaafay.
Kaliya 46 boqolkiiba dadka la waraystay ayaa sheegay inay la safan yihiin Israa’iil, xilli uu socdo weerarka Israa’iil ay ku hayso Gaza.
Taageeradan ayaa ah tii labaad ee ugu hooseysay abid, marka laga reebo tii la diiwaangeliyay 2001, xilli uu socday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta (Intifada).
Mareykanka ayaa taariikh ahaan taageero dheeraad ah u muujin jiray Israa’iil – oo loo arko xulafo dhow – marka loo eego Falastiiniyiinta, tan iyo markii Gallup ay bilowday ururinta xogtan 1989.
Celcelis ahaan, 65 boqolkiiba shacabka Mareykanka ayaa Israa’iil u arka si togan. Heerkii ugu hooseeyay ee taageerada Israa’iil wuxuu ahaa 45 boqolkiiba 1989, xilligii uu socday kacdoonkii koowaad (Intifada).
Sahanka Gallup wuxuu sidoo kale muujiyay in 40 boqolkiiba dadka Mareykanka ah ay taageersan yihiin sida Trump uu u maareeyay xaaladda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasoo laga yaabo inay la xiriirto kaalintiisa ku aaddan xabad-joojintii la gaaray.
Taageeradan ayaa hoos uga dhacday heerka guud ee taageerada madaxweynenimadiisa, oo ahayd 45 boqolkiiba.
Dimuqraadiyiinta vs Jamhuuriyiinta
Natiijooyinka sahanka waxay muujinayaan kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya xisbiyada Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta.
Jamhuuriyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Dimoqraadiyiinta marka loo eego Israa’iil (83 boqolkiiba vs 33 boqolkiiba). Halka Dimoqraadiyiinta ay si ka badan Jamhuuriga u taageeraan Falastiiniyiinta (45 boqolkiiba vs 18 boqolkiiba).
Tan iyo 2001, Jamhuuriyiinta iyo dadka madaxa bannaan (Independents) waxay si joogto ah u taageerayeen Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee, taageerada dadka madaxa bannaan ee Israa’iil ayaa haatan gaartay heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo sahanka World Affairs.
Dimoqraadiyiinta waxay taageersanaayeen Israa’iil illaa 2022, markaasoo tiro isku mid ah ay la safatay labada dhinac. Balse wixii intaas ka dambeeyay, taageerada Dimoqraadiyiintu waxay u janjeertay dhinaca Falastiiniyiinta.
Hoos u dhaca taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxaa markii hore loo aaneynayay siyaasadda midig-u-janjeerta ee hoggaanka Israa’iil, gaar ahaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Hase yeeshee, sannadihii ugu dambeeyay, taageeradoodu waxay sii hoos u dhacday.
Bishii Febraayo 2023, taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxay hoos ugu dhacday 38 boqolkiiba, halka taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta ay kor u kacday 11 dhibcood, iyagoo gaaray 49 boqolkiiba – taasoo ahayd markii ugu horreysay ee ay Falastiiniyiintu ka heleen taageero ka badan Israa’iil dhinaca Dimoqraadiyiinta.
Siddeed bilood kadib, 7-dii Oktoobar 2023, weerarro ay hoggaaminayeen Xamaas oo ka dhacay koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,100 qof, halka 250 kale la afduubtay.
Taageerada Dimoqraadiyiinta ee Falastiiniyiinta waxay hoos u dhacday lix dhibcood bishii Febraayo ee xigay.
Si kastaba ha ahaatee, hal sano kadib, iyadoo ay sii socoto xaaladda bini’aadannimo ee Gaza, taageeradooda Falastiiniyiinta ayaa mar kale kor u kacday 16 dhibcood, taasoo markii ugu horreysay gaartay heerka aqlabiyadda.
Xalka laba dowladood
Sanado badan, xalka laba dowladood ayaa ahaa bartilmaameed ku jira wada-hadallada nabadeed, iyadoo la doonayo in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan. Gallup waxay cabbiraysay aragtida Mareykanka ee arrintan tan iyo 1999.
Tan iyo xilligaas, dad badan oo Mareykan ah ayaa taageeray in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah oo ka dhalata Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, marka loo eego kuwa kasoo horjeeda.
Sahanka ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa in 55 boqolkiiba shacabka Mareykanka ay taageersan yihiin dhismaha dowlad Falastiini ah, halka 31 boqolkiiba ay kasoo horjeedaan, iyadoo 14 boqolkiiba aysan wax fikrad ah ka haysan.
Heerkan 55 boqolkiiba ee hadda taageera dhismaha dowlad Falastiini ah wuxuu la mid yahay xogta laga diiwaangeliyay tan iyo 2020, taasoo u dhaxaysay 52 boqolkiiba ilaa 55 boqolkiiba.
Ka hor 2020, inkasta oo taageerada Mareykanka ee xalka laba dowladood ay ka badnayd diidmada, haddana inta badan ma aysan gaarin heerka aqlabiyadda. Taageerada iyo diidmada waxay ugu ekaayeen marka loo eego 2015 iyo 2017.
Guud ahaan, dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah wali waxay haysataa aqlabiyadda shacabka Mareykanka, hase yeeshee, Dimoqraadiyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Jamhuuriga.
Wadahadallada xalka laba dowladood ayaa hadda hakad galay, tan iyo weeraradii 7-dii Oktoobar 2023.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa weli la tacaalaya su’aalaha ku saabsan sida Israa’iil looga ilaalin doono weerarro mustaqbalka, doorka Xamaas ee Gaza, iyo sida loo maamuli doono Daanta Galbeed ee la haysto.
Sahanka ugu dambeeyay waxaa la sameeyay bishii Febraayo, xilligii uu socday xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah iyo is-weydaarsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Xamaas.
Sahanka wuxuu billowday hal maalin ka hor booqashadii Netanyahu ee Aqalka Cad, taasoo ay ku jirtay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay Trump.
Intii lagu guda jiray shirkaas jaraa’id 4-tii Febraayo, Trump wuxuu caddeeyay rabitaankiisa in Mareykanka uu “la wareego” oo dib u dhiso Marinka Gaza.