Talaado 11, March 2025 {HMC} Gaariga laga soo Buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu Weeraray Hotel ka qaahira oo ku yallo Xaafada Howl wadaag ee Magaalada Baladweyne oo ay daganaayeen Saraakiil Ciidan Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan,
Qaraxa kadib Dableey hubeeysan oo ka tirsan Kooxda AS ayaa Gudaha hotelka galay kuwaasi oo illaa hadda ka Dagaalamaya,
Ciidamada Amaanka ayaa Doonaya ineey soo Afjaraaan Kooxdii ka tirsaneeyd AS ee Gudaha hotelka ka Dagaalamaya, Inkasto Aanan la Ogeeyn Khasaaraha inta uu la eg yahay hadane waxaa jira Meeydad dhaawacyo laga soo saaray hotelka,
Dadka Dhintay Waxa ka Mid ah. Nabadoon Adan Raxajecel, Nabadoon Mohamed Osman Ileynaa, Adan Mohamed Alasow Indhabur Iyo Taliye Galaangashe.
Xiliga uu weerarkan Dhacayey kohor waxaa meesha shir ku yeeshay Saraakiisha iyo Odayaasha dhaqanka Dega Galbeed Gobolka Hiiraan waxaana ay ka wada hadlayeen sidii AS ay ugu Saari lahaayeen Degaanadooda,
Masuuliyiinta ku shirayey Hotelka Qaahira ayaa Diyaarinayey Ciidamo macawiisleey ah oo la Dagaalamo Kooxda AS waxaana ay wadeen Abaabul ay Deegaanadooda ugu Saarayaan,
Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa Maanta Ah mid Kacsan waxaana la xiray wadooyinka Muhiimka si looga hortago Weeraro kale.